Posts

Showing posts from July, 2021

AFKA SOOMAALIGA LUUQADAHA LA BAHDA AH

   AFKA  SOOMAALIGA  LUUQADAHA  LA  BAHDA  AH Luqadaha adduunka baho ayaa loo qaybiyaa, waxa jira koox la isku yidhaahdo “Indo-Europeans”. Waxa ka mid ah afafka qaaradda Yurub lagaga hadlo sida Ingiriisida, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga IWM oo ay weheliyaan luqadaha lagaga hadlo qaybo ka mid qaaradda Aasiya sida Urduuga, Bashtuuga iyo Faarisiga. sida ay af-yahannadu sheegaan afku waa baaq codeed oo ujeeddo qeexan oo laysku af garto leh, kana kooban qalabka naqwaha ee ay ka midka yihiin: horgallada, dibgallada; dhexroorrada; isbeddelka ereyada iyo isku dubbarid kooda intaba. Afka Soomaaligu waxa uu u ka mid yahay luqadaha la isku yidhaahdo Afro-Asians-ka oo ay ku wada jiraan Xawsaha Nayjeeriya, Carabida, Yuhuudda, Oromada, Canfariga, Amxaariga IWM. Luqadahaas Afro-Asianka waxa loo qaybiyaa laba laamood oo kala ah 1.Hameto iyo 2. Sametic. Qaybta Sametic waxa gala luqadaha ay ka mid yihiin Carabiga, Amxaariga ...