AFKA SOOMAALIGA LUUQADAHA LA BAHDA AH

  AFKA  SOOMAALIGA  LUUQADAHA  LA  BAHDA  AH


Luqadaha adduunka baho ayaa loo qaybiyaa, waxa jira koox la isku yidhaahdo “Indo-Europeans”. Waxa ka mid ah afafka qaaradda Yurub lagaga hadlo sida Ingiriisida, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga IWM oo ay weheliyaan luqadaha lagaga hadlo qaybo ka mid qaaradda Aasiya sida Urduuga, Bashtuuga iyo Faarisiga.

sida ay af-yahannadu sheegaan afku waa baaq codeed oo ujeeddo qeexan oo

laysku af garto leh, kana kooban qalabka naqwaha ee ay ka midka yihiin: horgallada, dibgallada;

dhexroorrada; isbeddelka ereyada iyo isku dubbarid kooda intaba.


Afka Soomaaligu waxa uu u ka mid yahay luqadaha la isku yidhaahdo Afro-Asians-ka oo ay ku wada jiraan Xawsaha Nayjeeriya, Carabida, Yuhuudda, Oromada, Canfariga, Amxaariga IWM.


Luqadahaas Afro-Asianka waxa loo qaybiyaa laba laamood oo kala ah

1.Hameto iyo 2. Sametic. Qaybta Sametic waxa gala luqadaha ay ka mid yihiin Carabiga, Amxaariga iyo Yuhuudda.


Afka Soomaaliguna waxa uu ka mid noqdaa qaybta Hameto, waxaana kula jira Sawaaxiliga, Canfariga, Oromada iyo qaar kale. Qaybta Hameto waxa ay u sii qaybsantaa Kushitic iyo Bantuu. Markaa Afka Soomaaligu waxa uu galaa qaybta Kushitic-ka loo yaqaanno, waxaana ku weheliya Canfariga, Oromada, Booranta, Saahuuga iyo qaar kale. Bantuu-gana waxa ka mid ah Sawaaxiliga.


Ficillada ay iska shabbahaan luqadaha Soomaaliga iyo Carabigu waxa ka mid ah

Yaqaan= yacrifu

Taqaan= tacrifu

Aqaan= acrifu

Naqaan= nacrifu

Yaal= yaqiimu

Aal= aqiimi

Naal= naqiimu

Taal= taqiimu

Yahay= yakuunu

Ahay= akuunu

Tahay= takuunu

Nahay= nakuunu

Yimi= ya'tii

Timi= ta'tii

Nimi= na'ti

Imi= a'ti

Yidhi= yaquulu

Tidhi= taquulu

Idhi= aquulu

Nidhi= naquulu.


Xidhiidhka la-yaabka leh ee Afafka Kushitigga ka dhexeeya waxa aad ka garan kartaa isu ekaanshaha tirada tirsiimo ee Soomaaliga, Oromada iyo Canfariga. Bal eeg sida ay isu waafaqaan.

Soomaali           Oromo

Kow                   

Laba                   lama

Saddex              saddih

Afar                 afur

Shan              

Lix                   lih

Toddoba       torba.

Marka la sii badiyana waxa ay Oromadu tidhaahdaa Lama=Lamaatam, Saddih=Soddom, Afur= Afartam, Shan= Shatam. Haddii ay 5ta yidhaahdeen shan, kontonkana waxa ay yidhaahdeen shatam. Si la mid ah laba= labaatan, saddex= soddon, afar=afartan, Soomaalidu maxaa aay 5 u tidhi shan, 50kana u tidhi konton? Canfarta ayaa 5ta u taqaan Koone, 50kana u taqaan Kontom. 

Halkaa waxa aad arkaysaa in aynu tirada “shan” kala midnahay Oromada, halka tirada “konton” aynu ka waafaqnay Canfarta.


Af-Soomaaligu waxa uu leeyahay dhawaaq u eg afka Carabiga, qoraalkiisuna waa farta Laatiinka, oo ah afkii ay ku hadli jireen Roomaaninyiintii hore. Afka Soomaaligu waxa uu ka kooban yahay kow iyo labaatan (21) shibbane iyo toban shaqal, kuwaas kala ah shan shaqal oo dheer iyo shan shaqal oo gaaban.


Dhammaan xuruufta ku jirta luqadda Soomaaliga waxa lagu soo ururiyaa weedhan,  Weedhan lagu ururiyo Af-Soomaaliga xuruuftiisa waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde. 

“Sheekheenna wiilkiisa curad, gabadhuu qabi jiray foox la’aan ma heesi karto”.

Xuruufta luqadda Ingiriisida ahna waxa lagu soo koobaa “The quick brown fox is jumping over a lazy dog”.

Halka xuruufta luqadda Carabiga ahna lagu soo koobo:

Abjad, Huwaz , kalaman , sacafas , qarashat , dadiq. 

ابجد هوز حطي كلمن سعفص قرشت ثخذ ضظغ.


Magac-u-yaallada Ingiriisigu waa toddoba. Ereyga “we” waxa loo adeegsadaa mar annaga oo qofka lala hadlayaa kuma jiro (exclusive), marna waa inaga oo qofka lala hadlaya wuu ku jiraa (inclusive). Soomaaliduna anaga/inaga oo ka faahfaahsan ayaa halkeeda ugu jira.


Ereyada ku jira Soomaaligu waxa ay ka kooban yihiin laba qaybood oo kala ah:

Qaar asal ahaan ku abtirsadaa Soomaaliga, oo marka la micneeyo la garan karo halka ay ka soo jeedaan sida ereyadan xagga hoose ku xusan:

• Hooyo:, waxa ay asal ahaan ka timi “Hooyso” waana tii dadka hoynaysay ee dhaxanta, kullka iyo cidla’da wehelka uga ahayd.

• Gashaanti: oo asal ahaan ka timi “Gashaa-hanti”, taas oo uu micnaheedu yahay waa tii hantida u ahayd reerka guursada ee ay gasho. Maadaama oo ay inantu inta badan nolosheeda la qaadato reerka ay dhaxdo.

• Ergo:, asal ahaan waxa ay ka soo jeeddaa “Erey-geeyo” waana kuwa ereyada wanaagsan dadka u kala geeya.

• Wiil:, oo asal ka soo jeeda wiilka indhaha, sababtoo ah wiilashu waa qaar indhuhu ku doogsadaan.

• Habar: asal ahaan waxa ay ka soo jeeddaa “Hab-bara”, oo waa tii dadka baraysay habka loo noolaado, loo dhaqmo iyo waxyaabo kaleba.

• Dhurwaa: oo asal ahaan ka soo jeeda “Dhuur waa” ereyga ‘dhuur’ waa carruurta. ‘Dhuur-waa’ na, waa carruur ha helin, waana erey lagu habaari jiray waraabuhu marka uu wax dhaco.

• Lacag: asal ahaana waxa ay ka soo jeeddaa “La-cag” oo waa tii la cagta ahayd, le’ekayd, lana miisaanka ahayd wax walba oo lagu beddelanayo.

• Oday: oo asal ahaan ka soo jeeda “Ooday” oo ah kii reerka deyrka u ahaa ee oodayay.

• Libaax: oo asal ahaan ka soo jeeda “La- bax” oo waa erey la adeegsan jiray marka uu libaaxu habeenkii soo dhaco ee uu dadka iyo xoolaha la baxo.

• Soddoh: oo asal ahaan ka soo jeedda” Soo daaha” oo ah tii reerka cusub daaha u ahayd.

• Calool: oo asal ahaan ka soo jeeddaa “Cal” iyo “ool” oo la isu geeyay. ‘Cal’ micnaheedu waa cuntada la calaaliyay, ‘ool’ micnaheeduna waa oollid. Markaa micnaheedu waa meesha cuntada calaashan la dhigo.

• Xeerbeegti: oo asal ahaan ka soo jeeda “Xeer ku beegti” waa kuwii xaajooyinka iyo xeeraraka is waafajinayay.

• Xeerilaaliye: oo asal ahaan ka soo jeeda “Xeer ku ilaaliye” oo ah kuwii dadka xeerka ku ilaalinayay.

• Sabool: oo asal ahaan ka soo jeedda (Sabo-ool), waxa loola jeedaa waa kuwii degi jiray dhul cayiman, isla markaana aan guuri jirin maadaama oo aanay xoolo nool lahayn.

• Fandhaal; asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa (faro-dhaan), oo waa kii faraha wax ku cunistooda dhaamay.

• Dumaashi: asal ahaan waxa ay ka soo jeeddaa (dib-u-umaashi), oo waa gabadhii ninku dib u guursanayay, ee uu dhaqayay marka uu walaalkii geeriyoodo.

• Dameer: asal ahaan waxa ay ka soo jeeddaa (dul-meer), oo waa tii duleedka reerka meeri jirtay, ee meesha dadku deggan yahay aan ka fogaan jirin, illeen waa xayawaan dabjoog ahe.

• Kurey: oo asal ka soo jeeda kore, oo ah kii korayay, ee ku jiray xilliga koritaanka.

• Doob: oo asal ahaan ka soo jeeda duub, oo ah kii weli isku duubnaa, ee aan la sarrifin, carruurna aan yeelan, walina guursan iyo ereyo kale oo farabadan.


Qaybta labaad ee ereyada luqadda Soomaaligu waa kuwo qalaad, ajaanib ah, oo soo galay luqadda Soomaaliga kaddib markii ay xidhiidh ganacsi, mid diineed, derisnimo iyo gumaysi la yeelatay bulsho kale. Luqadahaasna wax aka mid ah: Ingiriisida, Carabida, Urduuga, Talyaaniga, Faransiiska, Oromada IWM. 


Haddii aan tusaaleyaal soo qaadanno:

Soomaaliga iyo Ingiriisigu waxa ay wadaagaan ereyadan, koob (cup), hudheel (hotel), fiidyaw (video), buug (book), iskuul (school), dhaktar (doctor) IWM.

Soomaaliga iyo Carabiguna waxa ay wadaagaan ereyo ay ka mid yihiin: khudrad, sako, muus, sharaab, cilmi, dayaarad, markab, idaacad, hawo, samo, albaab, kursi iyo qaar kale

Urduuga oo ah luqadda ay ku hadlaan dalalka Hindiya iyo Baakistaan waxa ay wadaagaan Soomaaliga ereyo dhawr ah. Waxa ka mid ah: 

Baraf= urduu, sidoo kale baraf= Soomaali. 

Gaadhi=Urduu, sidoo kale gaadhi= Soomaali, 

Bandoo=Urduu, sidoo kale bandoo=Soomaali. 

Saambuuse =Urduu. Sidoo kale Saambuuse= Soomaali

Badhasaab waa erey Soomaali ahaan aynu u naqaanno guddoomiye gobol. Laakiin asal ahaan ka soo jeeda Urduu oo uu macnahiisu yahay badhaa=weyn iyo saab= mudane. Markaa macnahiisu waa mudanihii weynaa.


Luqadda Sawaaxiliga ayaa iyaduna la wadaagta afka Soomaaliga ereyo ay ka mid yihiin 

Yaanyo =Sawaaxili, sidoo kale Yaanyo waa Soomaali

Kuumi waa eray Sawaaxili ah oo macnahiisu yahay toban” Soomaaliduna ay sidaas u adeegsato

Luqadda Oromoda ayaa iyaduna ereyo la wadaagta luqadda Soomaaliga, waxa ka mid ah: Koow, Lama, Saddex (Sadi), Afar (Afur) Shan.

Luqadda Talyaaniga ayaa iyaduna saamayn badan ku yeelatay gobolladii Soomaalida ee uu Talyaanigu gumaysan jiray. Luqadda Faransiisku waxa ay aad ugu milantay lahjadda Soomaaliga ah ee ay ku hadlaan Soomaalida Jabuuti ku nooli. Waanay jiri karaan afaf kale oo ay ereyo wadaagaan luqadda Soomaaliga. Erayadaasi asal ahaan Soomaali ha ahaadeen ama luqado kale ha ku abtirsadeen’e, Muhiimaddu waxa ayy tahay in la ogaado in luqadda soomaaligu ka samaysan tahay ereyo ay leedahay iyadu iyo erayo soo galooti (ajanabi) ku ah.


Abwaan Siciid Ibraahin Dool (Gurey) oo ka mid ah hal-abuurrada dhallinyarada ah ee ku nool magaalada Hargeysa oo sameeyay erey-bixin ku saabsan labadaas qaybood ee ay ka kooban yihiin erayada ku jira luqadda Soomaaligu, ayaa u dhigay habkan:

Ereyada ku jira luqadda Soomaaliga ee asal ahaan ka soo jeeda luqadda Soomaaliga waxa loo yaqaannaa “Xer-u-dhalan”, waxaana loo macnayn karaa laba waddo oo ah

In ereyga loo macneeyo si dhammaystiran, markaas waxa la fasirayaa isaga oo ah (caleen). Tusaale ahaan marka la macnaynayo biyo, waxa uu ka soo jeedaa asal ahaan (biiyaa). Waana kuwii biinayay harraadka, uskagga IWM. Ereygii biyo waxa la macneeyay isaga oo dhammaystiran, haddii la macneeyo ereyga oo dhammaystiran, waxa la odhanayaa waxa la macneeyay ereygii oo ah (Caleen).


Haddii ereygu u baahdo in la kala qaado marka la micnaynayo, oo loo qaybiyo dhawr qaybood, waxa la micneeyaa isaga oo ah (qurub), oo ah shay kala qaybsan. Tusaale ahaan marka la doonayo in la macneeyo ereyga Abwaan, waxa loo kala qaadaa: Ab: oo macnaheedu yahay aabbo/ isir iyo waan: oo macnaheedu yahay waxsheeg, ereyga abwaan waxa uu ka samaysan yahay labadaas erey ee ab iyo waano oo la isu geeyay, waxaanu macnihiisu noqonayaa (aabbihii wax-sheegga).


 Laakiin taas macnaheedu ma aha in dhammaan ereyada xer-u-dhalanka ahi ay yihiin qaar is macneeya, ee waxa la heli karaa ereyo badan oo xer-u-dhalan ah oo aan is macnayn karin.

Ereyada ka soo jeeda luqadaha qalaad ee afkeenna dibadda ka soo galay, waxa la yidhaahdaa (Xigasho), waana qaar aynu ka soo ergisannay ummado kale oo aan Soomaali ahayn. Ereyada xigashada ah ee ku jira luqadda Soomaaligu waa la-macneeyayaal aan iyagu is fasiri Karin.


Afka Soomaaligu waxa uu koritaanka ugu badan sameeyay markii la qoray 1972kii, waxaana ku soo kordhay kumannaan erey. Cid kastaa sida ciidanka, sayniska, maamulka IWM waxa ay yeelatay oo samaysay erey-bixin u gaar ah, waayo afkeennu waxa uu ahaa mid miyiga laga adeegsado oo aan aqoon, magaalo iyo maamul shaqo ku lahayn. Afkii waxa lagu sargooyay nolosha. 


Abwaan Gaarriye oo ahaa aqoonyahankii ugu da’da yaraa Guddidii Qoraalka Afka Soomaaliga oo ka sheekaynaya sidii ay ku baxeen qaar mid ah ereyada aynu hadda rasmiga u adeegsanno ayaa yidhi:

Kisi iyo dhaban: Waanu weynay wax aanu u qaadanno ereyada odd number iyo even number. Annaga oo Kismaayo maraynna ayaanu ku soo baxnay wiil shantarad ciyaaraya. Waxa uu yidhi haddii ay si kala dhiman oo 1, 3, 5 IWM u dhacdo waa kisi. Haddii ay si isleeg u dhacdo sida 2, 4,6 waa dhaban.


Eber: Reer woqooyigu ma ay lahayn erey siiroo/sifir u dhigma. Waxa ay yidhaahdeen ’waxba’ ha la qaato. Kaddib waxa la yidhi ereygaa carruurta ayaa adeegsata marka la dilo’e mid kale keena. Qoladii reer Muqdisho ayaa yidhi ”zero ama sifir micnahoodu eber waaye”. Halkii ayaa la iskula qaatay.


Cimilo: Xoghayntii qoraysay ereyada Soomaaliga loo raadinayo ayaa si qaldan u qortay ’climate’, waxaanay ka dhigtay cimilo. Sidaaba u daaya ayaa la yidhi, ma uu ahayn erey hore u jiray.


Cayayaan: Markii ereyga ’insect’ la rogayay mid reer Woqooyi ah baa yidhi ”aynu bararafleeye u qaadanno”. Waxa la yidhi oo takfida, injirta iyo qaar kaleba ma duulaane?”. Waxa uu yidhi sawkii Sayidku yidhi

Kama baqo wixii baal leh iyo, bararafleeyaaye.

Ugu dambayntii nin gobollada dhexe ka soo jeeda ayaa yidhi ”annagu cayayaan baanu u naqaannaa’. Sidaa ayaa lagu ansixiyay.


Koonfur: Reer Woqooyigu ma ay lahay erey dhigma South. Waxa ay adeegsan jireen Hawd oo dhul iyo jihaba noqda. Soomaalidii Talyaaniga ayaa laga qaatay ereyga Koonfur”.


 

Comments